Muqdisho (Dawan) — Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah mucaarad ayaa dhaliilay heshiiska shidaal ee lala galay Turkiga, isagoo su’aal geliyay in uu u adeegayo danaha qaranka Soomaaliya, xilli dalka uu soo dhaweeyay markab qodis ah oo Turkiga leeyahay oo Muqdisho yimid shalay.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraalkiisa ku faafiyay Jimcihii Dawan iyo Substack, taas oo noqotay falcelintii ugu horreysay ee mucaaradka ee si faahfaahsan uga hadasha heshiiska iyo markabka.
Waxa uu sheegay in shuruudaha heshiisku ay u muuqdaan kuwo si weyn u faa’iideynaya Turkiga marka loo eego Soomaaliya, isagoo ka digay in “qaabka heshiisku iyo inuu halis ku yahay danaha muddada fog ee Soomaaliya.”
Waxa uu si gaar ah u tilmaamay qodobbo la xiriira soo kabashada kharashaadka (cost recovery), isagoo sheegay in ay dib u dhigi karto faa’iidada dhaqaale ee dalka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in heshiisku uusan si cad u qeexin shaqo-abuurka iyo ka-qaybgalka dhaqaale ee shacabka Soomaaliyeed, taas oo uu su’aal geliyay faa’iidada tooska ah ee ay helayaan muwaadiniintu.


