Congo, 10 December, 2025- (Dawan)- Colaadda ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa mar kale cirka isku sii shareertay, kadib markii xoogagga M23 ee taageerada ka helaa Rwanda ay Talaadadii ku sii durkeen duleedka magaalada istiraatiijiga ah ee Uvira ee gobolka South Kivu, sida ay xaqiijiyeen saraakiil maxalli ah.
Weerarkan cusub ayaa dhacay inkastoo toddobaadkii hore magaalada Washington lagu saxiixay heshiis nabadeed oo uu dhexdhexaadiyay Maraykanku, kaas oo ay wada gaareen madaxweynayaasha Congo iyo Rwanda. Heshiiskaas o ayaa waajibinayay in Rwanda ay joojiso taageerada ay siiso kooxaha hubeysan, isla markaana labada dal ay dib u bilaabaan wada shaqeynta amniga. Si kastaba, dagaalka socda ayaa muujinaya in fulinta heshiiska ay la kulantay caqabado degdeg ah.
Marafiki Masimango, oo ka tirsan bulshada rayidka ah ee Uvira, ayaa sheegay in dagaalyahannada M23 ay gelinka dambe ee Talaadada u sii ruqaansadeen gudaha magaalada, taasoo sababtay argagax iyo barakac cusub. Qaar ka mid ah ciidamadii dowladda ee magaalada difaacayay ayaa la sheegay inay dib u gurteen. Masimango wuxuu sheegay in isaga qudhiisa uu magaalada ka baxay intaysan qorraxdu dhicin.
Dhinaca kale, sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Congo, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa xaqiijiyay in ciidamadu u dhaqaaqeen dhanka xadka Burundi, isagoo sheegay in weerarka M23 uu si weyn u xoogeystay.
Xaaladda bani’aadantinimo ayaa kasii dartay, iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in dagaalladan cusub ay barakiciyeen in ka badan 200,000 oo qof maalmo gudahood, halka guud ahaan dadka ku barakacay colaadda bariga Congo ay kor u dhaafeen 7 milyan.








