Soomaaliya (Dawan) — Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in muddada dastuuriga ah ee Baarlamaanka Federaalka 11-aad ay ku ekayd 14-ka Abriil 2026, sida ku cad Qodobka 60-aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah, kaas oo dhigaya in muddada Baarlamaanku tahay afar sano laga bilaabo marka ay xubnuhu dhaartaan.
Bayaan uu xisbigu soo saaray ayaa lagu sheegay inay la wadaagaan shacabka Soomaaliyeed aragtida ah in ixtiraamka muddada sharciyeed ee hay’adaha dowladdu uu saldhig u yahay dowladnimada iyo sii jiritaanka qaranka. Waxa uu sidoo kale muujiyay walaac ku aaddan dhammaadka muddada Baarlamaanka, iyagoo ku tilmaamay arrin halis gelin karta geeddi-socodka dhismaha dowladnimada.
Xisbigu waxa uu si adag u diiday firaaq dastuur, muddo-kordhin sharci-darro ah, ama tallaabo kasta oo wiiqi karta hay’adaha dowladda. Waxa kale oo uu ka digay tallaabooyin hal dhinac ah oo uu qaadi karo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo la xusay in xilkiisa loo doortay uu yahay ilaalinta dastuurka iyo xaqiijinta is-afgarad qaran.


