New Delhi, 9 Janaayo 2026 ( Dawan) – Dowladda Hindiya ayaa maanta oo Jimca ah caddeysay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo si cad isaga fogaysay dadaallada lagu aqoonsanayo Somaliland.
Hadalkan ayaa ka soo baxay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, Randhir Jaiswal, intii lagu guda jiray kulan toddobaadle ah oo uu la yeeshay warbaahinta, oo lagu waydiiyay su’aalo la xiriiray mowqifka New Delhi ee ku aaddan Somaliland.
“Hindiya waxay leedahay Soomaaliya xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah. Mar walbana waxaan adkeynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka,” ayuu yiri Jaiswal, isagoo intaas ku daray in Hindiya aysan helin wax soo jeedin rasmi ah oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland.








