Soomaaliya, 1 Febraayo 2026 (Dawan)— Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa Axaddan sheegtay inay dishay 13 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ku jiraan shan horjooge oo sare, kaddib hawlgal qorshaysan oo laga fuliyay guri ku yaalla deegaanka Maxaa Saciid ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
NISA ayaa sheegtay in horjoogayaasha la beegsaday ay ku jireen shir ay ku qorshaynayeen weerarro, isla markaana ay ku doonayeen inay ku qasbaan bulshada deegaanka bixinta taageero qasab ah.
“Horjoogayaasha dhiig-cababka ah ee la beegsaday waxay ku jireen kulan ay ku maleegayeen shirqoollo argagixiso iyo cadaadis ay saarayaan dadka deegaanka si ay uga helaan taageero qasab ah, balse Sirdoonka Qaranka ayaa fashiliyey dhagartooda, kaddib markii halkaas lagu soo afjaray dhaq-dhaqaaqii ay wadeen,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay hay’adda.
NISA ayaa magacyada horjoogayaasha la dilay ku sheegtay: Macallin Caseyr, Macallin Muxumed Axmed Xasan, Sheekh Cali Guraale, Cabdiraxmaan Sheekh Cali (Cabdiraxmaan Dhegey) iyo Macallin Caadey.







