Muqdisho (Dawan)— Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xalay Muqdisho kulan casho-sharaf ah kula yeeshay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed, sida ay sheegtay Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan amniga, xasilloonida iyo dhacdooyinkii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo, iyadoo mas’uuliyiintu ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo wada-shaqeynta dhinacyada kala duwan.
Waxaa kulanka ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jama), Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, wasiirro, xildhibaano ka tirsan labada aqal iyo siyaasiyiin kale.