Muqdisho (Dawan) – Shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom, oo ah shirkadda ugu weyn ee adeegyada moobilka ee Soomaaliya, ayaa iskaashi la samaysay shirkadda maalgelinta qalabka ee Get Phone si loo daahfuro mashruucii ugu horreeyay ee maalgelinta taleefannada casriga ah ee dalka.
Mashruucan, oo la daahfuray maanta oo Talaado ah, ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu fududeeyo helitaanka taleefannada casriga ah iyo adeegyada internet-ka, gaar ahaan bulshada dakhligoodu hooseeyo, iyadoo la adeegsanayo nidaam lacag-bixin dabacsan oo aan ribo lahayn.
Barnaamijku wuxuu siinayaa dadka taleefan casri ah, xirmo internet iyo daqiiqado wicitaan, iyagoo ku bixinaya lacag yar oo maalinle ah, taas oo meesha ka saaraysa kharashkii badnaa ee hore u ahaa caqabadda ugu weyn ee ka hor istaagtay malaayiin qof inay helaan adeegyada dijitaalka.
Mashruuca ayaa si gaar ah u beegsanaya dadka hore u helay adeegyada shabakadda moobilka balse aan awoodin inay iibsadaan taleefannada casriga ah.
Sida qorshaha lagu sheegay, macaamiishu waxay bixin karaan qiyaastii $0.60 maalintii si ay u helaan taleefan casri ah iyo xirmo maalinle ah oo ay ku jiraan 1GB internet iyo 40 daqiiqo oo wicitaanno ah, marka la barbar dhigo qiyaastii $0.50 oo hadda lagu bixiyo adeegyada moobilka oo keliya.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in taleefannada casriga ah ay door muhiim ah ka ciyaaraan kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.
“Taleefanka casriga ahi maanta waa ka badan yahay qalab; waa albaab loo maro ganacsiga, waxbarashada, adeegyada maaliyadeed iyo fursado,” ayuu yiri.
Wejiga koowaad ee mashruuca ayaa la filayaa in lagu qaybiyo 10,000 oo taleefan bisha June, iyadoo qorshuhu yahay in la gaarsiiyo 100,000 dhammaadka sanadka, isla markaana lagu ballaarin doono deegaanno kale oo ka mid ah Puntland iyo Somaliland.


