SOOMAALIYA (Dawan ) – Shirkadda Hormuud Telecom iyo hay’adda horumarinta Jarmalka ee GIZ ayaa maanta oo Talaado ah kala saxiixday heshiis iskaashi oo lagu taageerayo dhaqaalaha danabsaysan iyo isdhexgalka gobolka.
Heshiiskan (MoU), oo lagu saxiixay Muqdisho, ayaa mideynaya hay’adaha dowladda, la-hawlgalayaasha horumarinta iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay si loo taageero ka qeybgalka Soomaaliya ee ajendaha dhaqaalaha danabsaysan ee Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Iskaashigan ayaa diiradda saaraya horumarinta nidaamyada lacag-bixinta xuduudaha ka gudba, xoojinta xirfadaha danabsaysan, dhiirrigelinta hal-abuurka iyo taageeridda mashaariicda la xiriira maaliyadda cimilada ee gobolka.
“Iskaashigan wuxuu ka tarjumayaa himiladeenna wadajirka ah ee ah in la sii xoojiyo horumarka lana ballaariyo saameynta gudaha dalka iyo guud ahaan gobolka,” ayuu yiri Cabdirashiid Caynanshe, Madaxa Xiriirka Shirkadda Hormuud Telecom.
Wuxuu sheegay in iskaashigu uu taageerayo ka qeybgalka Soomaaliya ee ajendaha isbeddelka danabsaysan ee EAC, oo ay ka mid yihiin horumarinta nidaamyada lacag-bixinta, xoojinta adeegyada maaliyadeed iyo ballaarinta helitaanka adeegyada danabsaysan.
Qodob muhiim ah oo ka mid ah heshiiska ayaa ah maalgelinta horumarinta awoodda aadanaha, gaar ahaan xirfadaha danabsaysan sida garaadka macmalka ah (AI), si loo kordhiyo fursadaha shaqo ee dhalinyarada.
Björn Richter, oo ah Isku-duwaha GIZ ee EAC, ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqonayso ciyaaryahan muhiim ah oo ka dhex muuqda dhaqaalaha danabsaysan ee gobolka.


