Muqdisho (Dawan ) – Hormuud Salaam Foundation ayaa shaacisay qorshe cusub oo ay ku bixinayso shidaalka ku baxa ceelasha, baraagaha iyo booyadaha ay leeyihiin dad gaar ah, si bulshada ay abaartu saameysay ay u helaan biyo lacag la’aan ah.
Hay’addu waxay codsi ku-meel-gaar ah u dirtay milkiilayaasha, iyadoo ballanqaadday inay dabooli doonto kharashaadka shidaalka.
“Gobollo badan waxaa ku yaalla ceelal, baraago iyo booyado ay leeyihiin dad gaar ah. Waxaan ugu baaqeynaa milkiilayaasha inay si ku-meel-gaar ah lacag la’aan uga dhigaan adeegyadaas, annaguna aan bixino shidaalka, si ay suurtagal u noqoto in biyo la gaarsiiyo dad badan oo tabaaleysan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Bixinta shidaalka adeegyadan ayaa qayb ka ah dadaallada gurmad ee ay hay’addu ka waddo Soomaaliya, si loo taageero dadka ay saameeyeen abaaraha daba-dheeraaday. Waxaa sidoo kale la rajeynayaa in qorshahan uu wax ka tari doono baahida biyaha ee degmooyin kala duwan, iyadoo bulshada looga faa’iideynayo ilaha biyaha ee la heli karo.

.jpg&w=3840&q=75)





