Muqdisho (Dawan)- Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji Carab, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo xubin ka ah Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka, ayaa Dawan Media u xaqiijiyay in shirka wadatashiga qaran ee la qorsheeyay 1-da Febraayo 2026 uu ka dhici doono mid ka mid ah hoteellada Muqdisho,taas oo ka dhigan inaan la isagu tegi doonin madaxtooyada.
Xildhibaanka ayaa yiri " Hotel Paradise ayaa hadda jadwal ahaan lagu qabanayaa, laakiin wax walba waa isbedeli karaan. Marka mabda’iyan halkaan ayaa lagu qabanaya, insha Allah."
Shirka ayaa la filayaa inuu diiradda saaro arrimaha doorashooyinka, dib-u-habaynta dastuurka, iyo guud ahaan jihada siyaasadda ee dalka.
Waxaa si gaar ah isha loogu wada haya qeyb galayaasha, gaar ahaan madaxda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo xiriirkii ay la lahaayeen dowladda federaalka xumaaday xilliyadii ugu dambeeyay







