Muqdisho (Dawan) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada amniga Jubbaland iyo saaxiibbada caalamka ayaa dilay ugu yaraan 27 ka tirsan Al-Shabaab, kaddib howlgal ka dhacay gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Howlgalkan oo isugu jiray weerar dhulka ah iyo duqeymo dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday deegaanno hoostaga degmooyinka Jilib, Xagar iyo Afmadow. Wasaaraddu waxay bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in ciidamadu ay la wareegeen dhowr fariisin oo ay kooxdu ku lahayd deegaannada Waraha Qalley, Farshabeel, Jigees, Qaawiley iyo Weelmaarow.
“Howlgalkan waxaa lagu gaarsiiyay Al-Shabaab jab xooggan, waxaana lagu dilay 27 dhagarqabe oo ay ku jiraan xubno muhiim u ahaa kooxda argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda.


