Muqdisho (Dawan)- Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene, oo waraysi gaar ah siiyay TV-ga Dawan, ayaa ka hadlay halka uu marayo diyaargarowga ciidammada Masar ee lagu wado in ay kusoo biiraan howlgalka AUSSOM ee lagu xoojinyao amniga Soomaaliya.
Waxa uu sheegay inay si habsami leh u socdaan dadaallada la xiiira keenista ciidmada Masar, isla markaana la dhisay guddi shaqo oo saddex-geesood ah, kaas oo kooban Dowladda Federaalka Soomaaliya, AUSSOM, iyo Qaramada Midoobay, si loo dardargeliyo diyaar-garowga ciidammada.
Sida uu sheegay, khubaro qiimeyn ah ayaa horey uga shaqeyay goobaha la geyn doono ciidamada Masar, si loo hubiyo in howlgalladu u socdaan si hufan.
“Shaqadu waa mid socota, heshiisyo farsamo ayaa la saxiixayaa, in kastoo aan weli la cayimin taariikh rasmi ah oo lagu keenayo ciidammada Masar,” ayuu yiri Safiir Diene , isaga oo raaciyay “Inta lagu guda jiro diyaar-garowgan, hawlgallada amniga waxay u socdaan sidii caadiga ahayd iyadoo la adeegsanayo ciidammada hadda jooga, waxaana la qorsheynayaa tallaabooyin looga hortagayo firaaq amni iyo khataraha ka dhalan kara goobaha hawlgalka.”







