Jabuuti (Dawan) — Ku dhowaad 49 milyan oo qof oo ku nool dalalka xubnaha ka ah IGAD ayaa wajahaya cunto-yaraan ba’an, iyadoo ururku dalalka gobolka ugu baaqay inay xoojiyaan diyaargarowga saameynta El Niño. Xogtan ayaa lagu sheegay war-murtiyeed kasoo baxay shirkii wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ee Talaadadii lagu qabtay Jabuuti.
War-murtiyeedka ayaa sidoo kale sheegay in in ka badan 19 milyan oo qof ay gudaha dalalkooda ku barakaceen, taas oo muujinaysa baaxadda dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka jira gobolka.
IGAD ayaa dalalka xubnaha ka ah ugu baaqday inay diyaariyaan qorsheyaal looga hortagayo khasaaraha ka dhalan kara El Niño, isla markaana ay xoojiyaan nidaamyada digniinta hore iyo awoodda wax looga qabanayo musiibooyinka.
El Niño waa isbeddel ku yimaada heerkulka biyaha Badweynta Baasifigga, kaas oo wax ka beddeli kara roobabka iyo cimilada qaybo badan oo dunida ah. Bariga Afrika wuxuu mararka qaar ka sababi karaa roobab xooggan, fatahaado iyo burbur ku yimaada dalagyada iyo kaabeyaasha.