Jabuuti, 8 Abriil 2026 (Dawan) — Urur-goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD), oo kaashanaya dowladda Jabuuti, ayaa Talaadadii bilaabay hindise qaran oo lagu xoojinayo waxbarashada farsamada iyo tababarrada xirfadaha (TVET), iyadoo la doonayo in xirfadaha la waafajiyo baahiyaha suuqa shaqada, sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Hindisahan ayaa lagu daahfuray shir saddex maalmood ah oo ka socda magaalada Carta, kaas oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin dowladeed, xarumo tababar, wakiillo ka socda ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo hay’ado ka shaqeeya arrimaha qaxootiga iyo ka mid noqoshada bulshada.
Isagoo ku hadlayay magaca Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Moussa Ali Meigague, ayaa sheegay in tababarrada xirfadaha ay yihiin kuwo “muhiim ah” si looga jawaabo isbeddellada dhaqaale ee ka socda gobolka. Wuxuu xusay in horumarinta xirfadaha ay door muhiim ah ka ciyaarto kobaca dhaqaalaha iyo fududeynta gelitaanka dhalinyarada ee suuqa shaqada.
Barnaamijkan ayaa qayb ka ah Bayaanka Jabuuti ee Tayada Waxbarashada, kaas oo dhiirrigelinaya xoojinta nidaamyada tababarka, kordhinta ka mid noqoshada haweenka iyo kooxaha nugul — oo ay ku jiraan qaxootiga — iyo xoojinta iskaashiga gobolka.
Ka-qaybgalayaasha shirka ayaa diiradda saaraya hagaajinta isku-xirka daneeyayaasha, waafajinta barnaamijyada tababarka iyo baahiyaha suuqa shaqada, iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo diyaariyo qorshe guud oo lagu horumarinayo xirfado loo dhan yahay.
Wadahadalladan ayaa la filayaa in laga soo saaro talooyin wax-ku-ool ah iyo qorshe hawleed wadajir ah oo lagu xoojinayo nidaamyada tababarka ee Jabuuti iyo guud ahaan dalalka IGAD.


