Muqdisho (Dawan ) – Ururka Iskaashiga Dowladaha Geeska Afrika (IGAD) ayaa sheegay inuu diyaar u yahay fududeynta wadahadal iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya, iyadoo xiisado siyaasadeed ay sii kordhayaan Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed, xilli uu jiro khilaaf u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulkaas.
Bayaan ka soo baxay IGAD ayaa lagu muujiyay walaac laga qabo xaaladda siyaasadeed ee sii cakirmaysa, iyadoo dhinacyada la isku haya loogu baaqay inay muujiyaan is-xakameyn kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda. Ururku wuxuu carrabka ku adkeeyay in khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada lagu xalliyo wadahadal loo dhan yahay iyo habraacyada dastuuriga ah ee dalka.
“IGAD waxay mar kale xaqiijinaysaa ka go’naanshaheeda taageerada nabadda, xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya, waxayna diyaar u tahay inay fududeyso wadahadal iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta,” ayaa lagu yiri bayaanka.


