Jabuuti (Dawan) – Urur-Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in la ilaaliyo midnimada, madax-bannaanida siyaasadeed iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo Heshiiska IGAD, Axdiga lagu aasaasay Midowga Afrika iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
War-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Xoghayaha IGAD ayaa lagu sheegay in ururku uu ka digayo tallaabo kasta oo wiiqaysa midnimada, madax-bannaanida iyo xuduudaha Soomaaliya, isagoo xusay in arrimahaasi ay khatar ku yihiin nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.
IGAD ayaa si gaar ah u xustay wararka la xiriira furitaanka safaarad ay Somaliland ku yeelanayso magaalada Qudus, iyadoo ku celisay mowqifkeedii hore ee ahaa in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.