Jabuuti (Dawan)- Urur-goboleedka IGAD ayaa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ugu baaqay inay wadahadal loo dhan yahay ku gaaraan hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, sida lagu sheegay war-murtiyeed kasoo baxay shir ay wasiirrada arrimaha dibadda ururku Talaadadii ku yeesheen Jabuuti.
Golaha Wasiirrada IGAD ayaa ku boorriyey madaxda iyo saamileyda siyaasadda inay sii wadaan wadahadalka, si loo helo is-afgarad ballaaran oo ku saabsan qaabka loo qabanayo doorashooyinka Soomaaliya.
Baaqan ayaa imanaya iyadoo dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada iyo mucaaradka ay isku khilaafsan hannaanka doorashooyinka soo socda.