JABUUTI, 16 Oktoobar 2025 — Taliyaha Ilaalada Xeebaha Jabuuti, Wacays Cumar Boqoreh, ayaa Arbacii martigeliyey Taliyayaasha Ilaalada Xeebaha Yemen iyo Somaliland, kulan shaqo oo diiradda lagu saarayay ammaanka badda ee gobolka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Khaalid Cali Maxamed Saalex, Taliyaha Ilaalada Xeebaha Yemen, iyo Axmed Xurre Xariiye, Taliyaha Ilaalada Xeebaha Somaliland. Sida Jabuuti sheegtay Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la dhiso qaab-wadajir shaqo oo mideynaya saddexda hay’adood si loo xoojiyo iskaashiga iyo la-socodka amniga biyaha ay wadaagaan.
Doodaha ayaa xoogga lagu saaray ammaanka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ka mid ah marin-biyoodka ugu mashquulka badan caalamka ee ganacsiga iyo maraakiibta caalamiga ah.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dadaalkan uu muujinayo go’aanka saddexda dhinac ee ah in ay si wadajir ah ula dagaallamaan burcad-badeedda, ka ganacsiga sharci darrada ah, iyo khataraha kale ee badda, isla markaana ay horumariyaan awooddooda jawaab celin ee amni ee gobolka.



