Soomaaliya, 27 Oktoobar 2025 — Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta ku wareejisay laba gaari oo dab-damis ah Maamulka Gobolka Banaadir, si loo xoojiyo awoodda gurmadka degdegga ah ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda lagu wareejinayay gaadiidkan ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo si rasmi ah uga guddoomay Danjiraha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Axmed Juma Maxamed Al-Remeithi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in deeqdan ay qayb ka tahay codsi ay dowladda, gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir, u dirtay Dowladda Imaaraadka Carabta, oo ku saabsan taageerada gaadiidka nadaafadda iyo kan gurmadka degdegga ah.
Muungaab ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in tallaabadani ay astaan u tahay bilow iskaashi ballaaran oo u dhexeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Abu Dhabi.
“Waxaan rajeyneynaa in dab-damisyaashan ay kaalin weyn ka qaadan doonaan awoodda kooxdeena dab-damiska, si ay si degdeg ah ugu gurmadaan marka ay dhibaatooyin kale dhacaan,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyo mas’uuliyiin kale oo heerar kala duwan leh.

