Qaahira (Dawan) – Wakiilka Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Jaamacadda Carabta, Danjire Xamad Cubeyd Al-Zacaabi, ayaa sheegay in dalkiisu si buuxda u taageerayo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in Abu Dhabi ay garab taagan tahay dhammaan dadaallada lagu xoojinayo amniga, xasilloonida, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Hadalkan ayaa Wakiilka Imaaraadku ka jeediyay shir degdeg ah oo Golaha Jaamacadda Carabta ay isugu yimaadeen heerka wakiillada joogtada ah, oo isagu uu shir guddoomiyay kaas oo qabsoomay kadib codsi rasmi ah oo ka yimid dowladda Soomaaliya.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray cambaareynta tallaabada Israa’iil ay ku sheegtay dal madax-bannaan u aqoonsatay obollada waqooyi-galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan “Somaliland”, iyadoo arrintaas lagu tilmaamay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana lagu muujiyay midnimo iyo garab istaag buuxa oo loo hayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.






