Maraykanka – 9 December 2025- Dawan- Guddiga Fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ansixiyay lacag dheeraad ah oo gaareysa 40 milyan oo doolar oo loogu talagalay Soomaaliya, si loogu taageero barnaamijka dib-u-habaynta dhaqaalaha, taasoo ka dhigaysa wadarta guud ee taageerada ilaa hadda 140 milyan oo doolar tan iyo bishii December 2023.
30 milyan oo doolar oo ka mid ah lacagtan, ayaa Soomaaliya loo ogolaaday in si degdeg ah loo siiyo, si loogu xoojiyo ajandaha dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo kordhinta kharashaadka bulshada, xilli taageero dibadda hoos u dhacday.
Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu yiri; "Dadaalka Dowladda Soomaaliya ee hormuudka ay ka tahay Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sababay in haaatan ay ku dhawaaqaan Guddiga Sare ee IMF in Dowladda Soomaaliya loo ansixisay lacag dhan $40 milyan oo doolar ah taageerada hannaanka dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka".
Ansixinta lacagtan ayaa timid kadib markii la soo gabagabeeyay dib-u-eegistii afraad ee barnaamijka taageerada, kaasoo diiradda saaraya xoojinta hay’adaha dhaqaalaha, hagaajinta maamulka, iyo ilaalinta xasilloonida dhaqaale ee dalka. IMF ayaa tilmaamtay in Soomaaliya ay sii wadday fulinta barnaamijka iyadoo ay jiraan caqabado gudaha iyo kuwo caalami ah, oo ay ka mid yihiin hoos u dhaca kaalmada dibadda, dhibaatooyinka cimilada, iyo xaalado dhaqaale oo aan la hubin.
Sanduuqa ayaa sidoo kale bogaadiya horumarka la sameeyay ee ururinta dakhliga gudaha, maamulka maaliyadda dadweynaha, casriyeynta kastamka, iyo hirgelinta sharciga canshuuraha. Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu amaanay horumarka uu ku sameeyay nidaaminta iyo kormeerka maaliyadda, kor u qaadida ka-mid-noqoshada adeegyada maaliyadeed, iyo diyaarinta dib-u-soo celinta Shilinka Soomaaliyeed oo lagu dabaqi doono nidaamka guddiga lacagta.







