Muqdisho (Dawan)— Hormuud Salaam Foundation ayaa sheegtay in 232 arday ay ka faa’iideysteen barnaamijkeeda deeqaha waxbarasho tan iyo markii la bilaabay 2019, iyadoo sanadkan ay mar kale qabanayso imtixaanka sannadlaha ah ee lagu xulayo ardayda heli doonta deeqaha.
Foundation-ku wuxuu Dawan u sheegay in 232-da arday ay ka mid yihiin 97 arday oo qalin-jabiyay, halka 103 arday ay weli waxbarashada ku jiraan. Sidoo kale, 31 arday ayaa ka tageen barnaamijka, halka hal arday uu geeriyooday Isaga oo waxbarashadiisa ku jira.
Barnaamijka deeqaha waxbarasho ayaa loogu talagalay in ardayda Soomaaliyeed loo fududeeyo helitaanka waxbarashada sare, iyadoo Foundation-ku sannad kasta qabata imtixaan lagu xulayo ardayda ka faa’iideysanaysa deeqaha.
Imtixaanka deeqda waxbarasho ee 2026 ayaa la qabanayaa 2 iyo 3 Sebtembar, wuxuuna bilaabanayaa 7:00 subaxnimo, waxaana lagu qaban doonaa Jaamacadda Hormuud ee Muqdisho.