Muqdisho (Dawan)- 578 arday oo bartay culuumta amniga iyo qeybaha kala duwan ee la xiriira ayaa maanta Muqdisho loogu qabtay munaasabad qalin-jabin ah, kaddib markii ay waxbarashadooda ku soo qaateen Machadka Daraasaadka Amniga ee Dowladda Soomaaliya.
Ardayda qalin-jabisay ayaa ka koobnaa saddex dufcadood oo kala ah dufcaddii koowaad, labaad iyo saddexaad, kuwaas oo hal mar loo qabtay munaasabadda qalin-jabintooda.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Taliyaha Nabad Sugidda, Mahad Salaad iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Maamulka Machadka ayaa sheegay in ardaydu ay waxbarasho ku soo qaateen shan takhasus oo kala duwan oo dhinaca amniga ah, kuwaas oo mid kasta lagu baranayo muddo hal sano ah.
Takhasusyada ay ardaydu barteen waxaa ka mid ah:
Dibloomada Sare ee Daraasaadka Amniga;
Dibloomada Sare ee Cilmiga Dambiyada;
Dibloomada Sare ee Maamulka Laamaha Amniga;
Dibloomada Sare ee Amniga Fikirka;