Jigjiga (Dawan) – In ka badan 29,000 oo arday ayaa maanta oo Khamiis ah u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka siddeedaad ee Deegaanka Soomaalida , sida ay baahisay warbaahinta SRTV.
Daahfurka imtixaanka ayaa si rasmi ah uga dhacay magaalada Jigjiga, waxaana ka qayb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Deegaanka Soomaalida, Ibraahim Cusmaan Faarax, iyo Wasiirka Xafiiska Waxbarashada, Maxamed Sheekh Aadan.
Sida ay masuuliyiintu sheegeen, guud ahaan 29,631 arday oo ka kala socda 704 dugsi ayaa imtixaanka ku galaya 113 xarumood oo ku yaalla degmooyinka iyo maamul-magaalooyinka deegaanka.