Muqdisho (Dawan) — Guud ahaan 4,287 arday ayaa u fariistay imtixaanka aqbalaadda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyagoo doonaya inay sannadkan ka mid noqdaan ardayda jaamacadda oo ah jaamcadda kaliya ee ay dowladdu leedahay.
Imtixaanka ayaa si isku mid ah uga qabsoomay xarumaha Jaamacadda ee Muqdisho, Caabudwaaq iyo Badhan, halka sidoo kale lagu qabtay Garoowe, Beledweyne, Kismaayo iyo Baydhabo.
Tallaabadan ayaa loogu talagalay in ardayda ku nool gobollada iyo magaalooyinka ka baxsan Muqdisho loo fududeeyo ka qaybgalka tartanka waxbarashada sare, iyaga oo aan u baahnayn inay caasimadda u safraan.
Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud, ayaa Muqdisho ka daah-furay imtixaanka. Jaamacaddu waxay sidoo kale xarumaha kala duwan u dirtay kormeerayaal ka socda xarunta dhexe, kuwaas oo hubinayay in imtixaanka loo qabto si waafaqsan habraacyada iyo nidaamka jaamacadda.