Kampala (Dawan)– Hoggaamiyeyaasha dalalka ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ansixiyay qorshe ku meel gaar ah oo soconaya 18 illaa 24 bilood, kaas oo ujeeddadiisu tahay in si tartiib tartiib ah mas'uuliyadda amniga loogu wareejiyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, iyagoo sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka inay xaqiijiso maalgelin joogto ah oo lagu taageerayo hawlgalka.
Go'aankan ayaa lagu caddeeyay warmurtiyeedkii laga soo saaray Shir-madaxeedkii Gaarka ahaa ee ka dhacay magaalada Kampala, kaas oo ay ka qaybgaleen madax iyo saraakiil sare oo ka socday dalalka ciidamada ku taaheera AUSSOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warmurtiyeedka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bixitaanka ciidamada AUSSOM uu noqdo mid nidaamsan, wadajir ah oo marxalado kala duwan la fuliyo, iyadoo sidoo kale lagu baaqay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu meel mariyo hannaan taageero oo xaqiijinaya in hawlgalku helo kaalmo joogto ah muddo u dhexeysa 18 illaa 24 bilood.
Hoggaamiyeyaashu waxay sheegeen in muddadaas dheeraadka ah ay Soomaaliya u suuragelin doonto inay hirgeliso yoolalka amniga ee lagu heshiiyay, sidoo kalena xoojiso hay'adaha amniga qaranka, isla markaana si habsami leh loogu wareejiyo mas'uuliyadda amniga ciidamada Soomaaliyeed.
Shirku wuxuu sidoo kale qiray caqabadaha dhaqaale ee ku hor gudban AUSSOM, iyada oo la faray Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ciidamada ku deeqay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika kala shaqeeyaan dhismaha guddi wadajir ah oo ka shaqeeya helitaanka maalgelin la isku halayn karo oo waarta.