Muqdisho (Dawan) – Ilo gaar ah oo la hadlay Dawan Media ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu digniin culus u jeediyay xubnaha Golaha Wasiirrada, isagoo ku hanjabay inuu xilka ka qaadi doono wasiir kasta oo lagu helo inuu ku safro baasaboor ajnabi ah halkii uu ka isticmaali lahaa baasaboorka Soomaaliya.
Sida ay sheegeen ilo goob joog ka ahaa shirkii Golaha Wasiirrada ee Khamiistii uu shir-guddoominayay Madaxweynaha, Xasan Sheekh ayuu madaxweynihu su'aal geliyay sababta ay qaar ka mid ah wasiirradu ugu safraan baasaboorrada dalal kale, iyagoo haystaan baasaboorrada diblomaasiga ah ee Soomaaliya oo u oggolaanaya inay helaan dhammaan mudnaanta safarrada rasmiga ah.
Sida ay iluhu sheegeen, Madaxweynaha ayaa yiri: "Mas'uul kasta oo dowladeed oo wata ama isticmaala baasaboor dal kale leeyahay, waan ka qaadi doonaa xilka."
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in haysashada baasaboor dal kale ay noqon karto doorasho shaqsiyeed, balse dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin in masuul sare oo matalaya dalka lagu bahdilo waddan kale iyadoo dowladda Soomaaliya aysan sharci ahaan awood u lahayn inay difaacdo, maadaama dalkaasi uu u aqoonsan yahay muwaadin u dhashay dalkiisa.
Digniintan ayaa timid kaddib laba dhacdo oo kala duwan bishan gudaheeda, kuwaas oo saraakiisha socdaalka Kenya ay ugu diideen inay dalka galaan laba masuul oo sare oo Soomaaliyeed, kadib eedeymo la xiriiray inay haysteen baasaboorrada Kenya.