Jigjiga (Dawan) – Miisaaniyadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ee sannadka 2019-ka taariikhda Itoobiya, oo u dhiganta 2026, ayaa gaartay 108.97 bilyan oo birr, taasoo ka dhigan koror ka badan 60% marka loo eego miisaaniyaddii sannadkii hore, sida uu sheegay Wasiirka Xafiiska Maaliyadda Dowlad Deegaanka Soomaalida, Dayib Axmed Nuur.
Wasiirka ayaa sheegay in miisaaniyadda cusub mudnaan la siin doono xoojinta amniga iyo xasilloonida, horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha, dhammaystirka mashaariicda socda, tayeynta hay’adaha dowladda iyo abuurista fursado shaqo.
Sida uu wasiirku sheegay, ilaha ugu waaweyn ee lagu maalgelinayo miisaaniyadda waxaa ka mid ah 49.3 bilyan oo birr oo laga filayo dowladda federaalka Itoobiya iyo 47.47 bilyan oo birr oo ka imanaya dakhliga gudaha ee deegaanka.