Addis Ababa (Dawan) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa shaaciyay inay soo gaartay 47 cabasho oo la xiriira geeddi-socodkii doorashada toddobaad ee heer qaran, taas oo dalka ka dhacday 1-dii Juun 2026.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya, Marwo Melatework Hailu, ayaa sheegtay in cabashooyinku ka yimaadeen dhinacyo kala duwan, oo ay ku jiraan xisbiyada siyaasadda, kooxaha kormeerka doorashooyinka iyo muwaadiniin adeegsaday khadadka gaarka ah ee guddigu u asteeyay gudbinta cabashooyinka.
Melatework Hailu ayaa xustay in dhammaan cabashooyinka la diiwaangeliyay loo gudbiyay guddi sharciyaqaano ah oo loo xil saaray baaritaankooda, si loo xaqiijiyo saxnaanta eedeymaha la soo gudbiyay iyo habraacyadii la raacay intii ay doorashadu socotay.
Waxay sheegtay in Guddiga Doorashooyinku uu shacabka iyo dhammaan dhinacyada ay arrintu khusayso la wadaagi doono go’aanka kama dambaysta ah marka la soo gabagabeeyo baaritaannada hadda socda.