Hargeysa (Dawan) — Orodyahanno ka socday Somaliland iyo shan dal oo Afrikaan ah ayaa ka qayb galay tartanka afraad ee Hargeysa International Half Marathon, oo Jimcihii lagu qabtay magaalada Hargeysa. Tartanka 21-ka KM waxaa soo qabanqaabiyay Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, tartanka waxaa ka qayb galay orodyahanno ka kala socday Somaliland iyo shan dal oo Afrikaan ah kuwaas oo kala ah : Itoobiya, Chad, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Jamhuuriyadda Congo iyo Angola.
Tartanka ayaa laga bilaabay Royal Plaza Hotel, waxaana lagu soo gabagabeeyay Hargeisa Stadium. Sidoo kale waxa la qabtay orodka 5-ta KM ee haweenka, kaas oo ay ka qayb galeen ku dhowaad 30 gabdhood, sida ay sheegeen qabanqaabiyeyaasha.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Axmed-yaasiin Maxamed Faarax, ayaa guusha orodyahanka Somaliland ku tilmaamay guul u soo hoyatay Somaliland, kaddib markii orodyahan maxalli ah uu kaalinta koowaad ka galay tartanka.