Baydhabo(Dawan) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa shaaciyay liiska rasmiga ah ee ururrada siyaasadeed ee u tartamaya doorashooyinka degmooyinka ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Warqad ka soo baxday guddiga oo la soo saaray habeenkii Talaadada ayaa lagu xaqiijiyay in 32 urur siyaasadeed ay u tartami doonaan kuraasta golayaasha deegaanka ee 12 degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed.
Degmooyinka lagu xusay wareegtadan waxaa ka mid ah Baydhabo, Baraawe, Marka, Afgooye, Wanlaweyn, Buur-Hakaba, Waajid, Berdaale, Diinsoor, Xudur, Ceelbarde iyo Qansax Dheere.


