Muqdisho (Dawan)— Dowladda Soomaaliya ayaa qorshaynaysa inay 28,000 dhallinyaro ah siiso tababar iyo fursado shaqo, iyadoo ay iska kaashanayaan Wasaaradaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Shaqada, ayuu sheegay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir.
Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda ay horey tababar iyo fursado shaqo u siisay 1,000 dhallinyaro ah, iyadoo iskaashiga labada wasaaradood uu qayb ka ahaa barnaamijka.
Wuxuu sheegay in wejiga xiga ee barnaamijka lagu ballaarin doono 28,000 dhallinyaro ah oo dheeraad ah, si loo kordhiyo fursadaha shaqo iyo horumarinta xirfadaha dhallinyarada.
Barnaamijkan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu taageerayo dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha iyo ganacsiyada ay dhallinyaradu iskood u abuuraan.
Wasiirku wuxuu sheegay in dhallinyaradu ay ka yihiin qiyaastii 75% bulshada Soomaaliya, taas oo muujinaysa baahida loo qabo in la ballaariyo barnaamijyada shaqo-abuurka iyo xirfadaha.