Jigjiga (Dawan)- Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar, ayaa si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka Dhaxal-reebka Cagaaran ee sanadkan, kaas oo lagu qorsheeyay in guud ahaan deegaanka laga beero 15 milyan oo geed.
Barnaamijka oo halku-dheggiisu yahay “Geed Beer oo Rajo Reeb”, ayaa lagu doonayaa in lagu xoojiyo ilaalinta deegaanka, lagula dagaallamo xaalufka dhulka, isla markaana lagu yareeyo saameynta isbeddelka cimilada.
Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in Barnaamijka Dhaxal-reebka Cagaaran uu deegaanka ka socday siddeeddii sano ee la soo dhaafay tan iyo markii la daah-furay sannadkii 2011 ee tirsiga Itoobiya. Mudadaas waxaa la beeray malaayiin geed oo noocyo kala duwan leh, kuwaas oo gacan ka geystay kobcinta dhirta, soo celinta dhulkii xaalufay, shaqo-abuurka iyo kor u qaadista sugnaanta cuntada.
Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar ayaa ugu baaqay shacabka iyo hoggaamiyeyaasha heerarka kala duwan inay si buuxda uga qayb qaataan hirgelinta barnaamijka, si loo xaqiijiyo natiijooyin waara oo faa’iido u leh bulshada iyo deegaanka.