Baydhabo (Dawan)- Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay goobaha loo asteeyay codeynta doorashada qof iyo cod, taas oo la filayo in ay ka dhacdo deegaannada maamulkaas.
Guddiga ayaa sheegay in bulshada Koonfur Galbeed ay codkooda ka dhiiban doonaan 74 goobood, kuwaas oo ku kala yaalla 13 degmo oo ka tirsan dowlad-goboleedka.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikarin Axmed Xasan, ayaa xusay in tirada dadka la filayo inay ka qeyb qaataan doorashadan ay kor u dhaafeyso 400,000 oo qof, taas oo muujineysa heerka ka-qeybgalka dadweynaha ee geeddi-socodka doorashooyinka Koonfur Galbeed.


