Jabuuti (Dawan)— Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay ku bixisay ku dhowaad 1.7 milyan oo doollar gargaar bani’aadannimo oo loogu talagalay kumannaan qof oo u dhashay Yemen, kuwaas oo ka soo cararay colaadda ka taagan dalkooda, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.
Ra’iisul Wasaaraha oo wareysi gaar ah siiyay majaladda Faransiiska ee Le Point ayaa sheegay in ugu yaraan 3,836 qof oo Yemeniyiin ah ay magangelyo ka raadsadeen Jabuuti, kaddib markii ay sii xoogaysteen dagaallada Yemen. Wuxuu sheegay in dowladda Jabuuti dadka ka soo dega xeebaha gobolka Obock ay u gudbiso xarunta qaxootiga ee Markazi, halkaas oo ay ka helaan cunto, daryeel caafimaad iyo adeegyo kale oo aasaasi ah.
Wuxuu caddeeyay in lacag ku dhow $1.7 milyan lagu daboolay kharashaadka cuntada, adeegyada caafimaadka iyo dawooyinka loogu talagalay dadkaas, iyadoo inta badan mas’uuliyadda dhaqaale ay qaadday Jabuuti oo ah dalka martigelinaya.