Muqdisho (Dawan) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah ugu wargelisay Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha ammaanka in bannaanbaxyo nabadeed ay ka dhici doonaan magaalada Muqdisho maalinta Axadda ee 10-ka May 2026, sida ku cad warqad ogeysiin ah oo kasoo baxday Madasha.
Warqadda, oo ku socotay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo Taliyaha Nabadsugidda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in bannaanbaxyadu ay ka dhici doonaan 22 goobood oo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Madasha Samatabixinta ayaa sheegtay in bannaanbaxyadu ay yihiin “xuquuq dastuuri ah” oo uu dammaanad qaadayo qodobka 20-aad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, kaas oo dhigaya in qof kasta uu xaq u leeyahay inuu abaabulo ama ka qeyb galo bannaanbaxyo nabadeed iyadoo aan loo baahnayn oggolaansho dowladeed.
“Qoraalkan ma aha codsi oggolaansho, balse waa ogeysiin niyad-wanaag ah, si loo fududeeyo ilaalinta amniga guud iyo badbaadada dibadbaxayaasha iyo shacabka kale,” ayay madashu ku sheegtay warqadda.


