Muqdisho (Dawan)— Qorshaha Qaran ee Xal-u-helidda Barakacayaasha Soomaaliya ayaa sannadkii 2025 taageero gaarsiiyay 711,310 qof, sida lagu sheegay warbixinta sannadlaha ah ee 2025 ee Qorshaha Qaran ee Xalalka Waara (NSPAP 2024–2029), oo ay soo saartay Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalalka Waara (NCRDS).
Qorshahan ayaa ujeeddadiisu tahay in wax laga beddelo habka wax looga qabto barakaca gudaha, iyadoo gargaarka bani’aadannimo ee muddada gaaban loo beddelayo xalal waara oo ay dowladdu hoggaaminayso, kuwaas oo ku dhisan horumarinta adeegyada, adkeysiga isbeddelka cimilada iyo fursadaha nololeed. Dowladda Soomaaliya ayaa hiigsanaysa in hal milyan oo qof oo barakacu saameeyay ay helaan xalal waara marka la gaaro 2029.
Warbixintu waxay sheegtay in 382,986 qof ay taageero ka heleen adeegyada aasaasiga ah, oo ay ku jiraan biyaha, fayadhowrka, caafimaadka iyo waxbarashada. Waxaa sidoo kale 102,351 qof la gaarsiiyay adeegyo la xiriira biyaha, halka 97,269 qof ay heleen adeegyo caafimaad. Dhanka shaqo-abuurka iyo hab-nololeedka, 35,927 qof ayaa taageero helay, iyadoo 8,388 qof la siiyay agab wax-soo-saar iyo ganacsi. Sidoo kale, 1,153 dhallinyaro ah ayaa iska diiwaangeliyay barnaamijyada waxbarashada iyo tababarrada farsamada gacanta.
Arrimaha dhulka, guryeynta iyo xuquuqda lahaanshaha, warbixintu waxay muujisay in 151,340 qof ay heleen dukumentiyo xaqiijinaya xuquuqdooda dhulka. Waxaa intaa dheer, 2,434 guri oo waara ayaa la dhisay ama la taageeray, halka 11,422 qof laga ilaaliyay barakicin khasab ah, sida ku cad warbixinta.
Dhinaca la qabsiga isbeddelka cimilada, 63,414 qof ayaa taageero ka helay barnaamijyada adkeysiga bulshada, iyadoo 48,090 qof laga faa’iideeyay dadaallada dib-u-soo-celinta deegaanka. Waxaa sidoo kale la beeray ama la qaybiyay 55,000 oo geed, waxaana la sameeyay 172 guddi oo bulshada ka caawiya adkeysiga iyo u-diyaargarowga xaaladaha degdegga ah.