Muqdisho (Dawan)— In ka badan 1.5 milyan oo Soomaali ah ayaa qaatay kaarka aqoonsiga qaranka tan iyo markii la daah-furay nidaamka diiwaangelinta dadweynaha saddex sano ka hor, sida uu sheegay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Cabdiweli Cali Cabdulle Timacadde.
Timacadde ayaa sheegay in dadka la diiwaangeliyey ay ku kala nool yihiin gobollada dalka, halka adeegga aqoonsiga sidoo kale laga hirgeliyey 31 safaaradood oo Soomaaliya ku leedahay dibadda, si muwaadiniinta qurbaha ku nool ay u helaan dukumeentiga aqoonsiga qaranka.
“Waxyaabihii noo qabsoomay waxaa ka mid ahaa inaan diiwaangelinno in ka badan 1.5 milyan oo qof oo Soomaali ah,” ayuu yiri Timacadde.