Dhuusamareeb (Dawan) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa ansixiyay 35 urur siyaasadeed oo loo oggolaaday inay ka qeyb galaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee la qorsheyay in laga qabto Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Guddiga ayaa maanta oo Arbaco ah soo saaray liiska rasmiga ah ee ururrada siyaasadeed ee loo oggolaaday tartanka doorashooyinka, wuxuuna sheegay in dhammaan ururrada la ansixiyay ay buuxiyeen shuruudihii sharciga iyo habraacyadii looga baahnaa ka qeybgalka doorashooyinka isku-sidkan ee dowlad-goboleedka.
Guddiga ayaa sheegay in soo saarista liiskan ay waafaqsan tahay shuruucda iyo xeerarka hagaya diiwaangelinta iyo ka qeybgalka ururrada siyaasadeed ee doorashooyinka, iyadoo la hubinayo in ururrada tartamaya ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.