Jigjiga (Dawan) – Xafiiska Waxbarashada Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah u daahfuray imtixaanka xaqiijinta tayada xirfadlayaasha waxbarashada, kaas oo ay u fariisteen 295 macallin oo ka qalin-jebiyay kulliyadaha waxbarashada ee deegaanka.
Imtixaanka oo ka qabsoomay Kulliyadda Waxbarashada ee Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu qiimeeyo aqoonta iyo xirfadda macallimiinta, si loo xaqiijiyo tayada waxbarashada loona helo macallimiin karti u leh soo saarista arday leh aqoon iyo xirfad wanaagsan.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Waxbarashada iyo maamulka kulliyadda, kuwaas oo sheegay in imtixaankani qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo kor u qaadista heerka xirfadeed ee macallimiinta.
Maareeyaha Kulliyadda Waxbarashada Macallimiinta ee Dr. C/majiid Xuseen, Maxamed Ayaanle, ayaa sheegay in imtixaanku yahay hannaan muhiim ah oo lagu xaqiijinayo in macallimiinta cusub ay leeyihiin aqoonta iyo xirfadaha looga baahan yahay shaqada waxbaridda.