Muqdisho (Dawan ) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in 26 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalallo ay ciidamadeedu ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo sidoo kale la burburiyay xarumo iyo agab ay kooxdaasi isticmaali jirtay.
War-saxaafadeed ay NISA soo saartay Khamiistan maanta ah ayay ku sheegtay in howlgalada, oo lagu fuliyay iskaashi ay la sameeyeen “saaxiibada caalamka,” ay ka dhaceen deegaannada Maxaas, Mukayle iyo Shaw ee gobolka Hiiraan.
Sida lagu sheegay bayaanka, howlgalka ugu horreeyay ayaa ka dhacay nawaaxiga degmada Maxaas, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday Xubno ay hay’addu sheegtay in Al-Shabaab ku abaabuleysay deegaanka Madaxya-weyn. NISA ayaa sheegtay in weerarkaasi lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsan kooxda, laguna gubay teendhooyin iyo gabbaadyo ay isticmaali jireen.


