Muqdisho (Dawan) – In ka badan 270,000 oo codbixiyeyaal diiwaangashan ayaa maanta oo Khamiis ah u dareeray goobaha codbixinta ee Dowlad Goboleedka Galmudug si ay codkooda ugu doortaan xubnaha goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada Galmudug, iyadoo markii ugu horreysay labada doorasho si isku mar ah loogu qabanayo nidaamka qof iyo cod.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka (NIEBC) ayaa sheegay in 270,737 qof ay iska diiwaangeliyeen codbixinta guud ahaan Galmudug, halka codadka laga dhiibanayo 240 goobood oo codbixin oo ku yaalla deegaannada iyo magaalooyinka dowlad-goboleedka.
Doorashooyinka waxaa ku tartamaya 35 urur siyaasadeed oo ay guddigu hore u ansixiyeen, inkastoo tirada ururrada soo bandhigay musharraxiinta ay ku kala duwan tahay labada doorasho.
Sida ay guddigu shaaciyeen, 16 urur siyaasadeed ayaa soo bandhigay 924 musharrax oo ku tartamaya 243 kursi oo goleyaasha deegaanka ah. Musharraxiintaas waxaa ka mid ah 726 rag ah iyo 198 haween ah.
Dhanka kale, 12 urur siyaasadeed ayaa soo sharaxay 349 musharrax oo ku tartamaya 89 kursi oo Golaha Wakiillada Galmudug ah, kuwaas oo isugu jira 293 rag ah iyo 56 haween ah.