Jabuuti (Dawan) – Ciidamada Kastamka Jabuuti ayaa deegaanka Balho ee gobolka Tadjourah ku qabtay 5,304 kiiloogaraam oo qaad ah, kaas oo si sharci-darro ah dalka loogu soo geliyay.
Saraakiisha kastamka ayaa shixnaddan gacanta ku dhigay Arbacadii, kaddib hawlgal baaritaan iyo kontorool ah oo ay ka sameeyeen deegaanka Balho, oo hoos taga degmada Dorra ee waqooyiga Jabuuti.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in qaadka lagu soo geliyay waddooyin aan rasmi ahayn, iyadoo laga tallaabsaday nidaamka iyo shuruucda u degsan soo dejinta iyo ganacsiga qaadka.
Qabashadan ayaa timid wax ka yar 24 saacadood kaddib markii ciidamada kastamku ay shixnad kale oo qaad sharci-darro ah ku qabteen deegaanka Siciid Gaban, oo u dhexeeya Bondara iyo magaalada Dikhil ee koonfurta dalka.