Jabuuti (Dawan)– In ka badan 500 oo qaxooti Yemeni ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ayaa maanta laga soo badbaadiyay xeebaha magaalada Obock ee waqooyiga Jabuuti, kaddib markii ay xaalad adag ku galeen safar badeed ay ku marayeen Gacanka Bab al-Mandab, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti.
Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaleh, ayaa sheegay in dadkaasi ay soo gaareen magaalada Obock, qaar ka mid ahna laga soo badbaadiyay badda kaddib markii doonyihii ay saarnaayeen ay ka dhammaadeen shidaal intii ay ku jireen safarka.
Obock, oo qiyaastii 20 kiiloomitir u jirta xeebaha Yemen, ayaa muddo dheer ahayd meel ay soo gaaraan dadka ka cararaya colaadaha Yemen, maadaama ay ku taallo marin muhiim ah oo isku xira Geeska Afrika iyo Jasiiradda Carabta.