Sanca (Dawan TV) – Ciidanka Badda Israel ayaa maanta oo Axad ah duqeymo ka fuliyay bartilmaameedyo ay maamulaan Xuutiyiinta gudaha caasimadda Yemen ee Sanca, taas oo ah kor u kac cusub oo ku saabsan dagaalka ka dhashay xaaladda Gaza.
Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Xuutiyiintu maamulaan ee Saba, duqeyntu waxay beegsatay xarunta dhexe ee korontada Haziz ee degmada Sanxaan, koonfurta magaalada Sanca. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in matoorada korontada la weeraray islamarkaana ay shaqada joojiyeen.
Ilo ka tirsan Hay’adda Difaaca Rayidka ee Yemen ayaa xaqiijiyay in dabkii ka dhashay weerarka ay damiyeen dab-demisyo.