Hargeysa (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, isagoo ugu hambalyeeyey munaasabadda 18-ka May iyo 35-guurada kasoo wareegtay markii Somaliland ay ku dhawaaqday inay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay sidoo kale dib u xaqiijiyeen rabitaankooda ku aaddan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Israel.
“Labada hoggaamiye waxay dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Wicitaanka ayaa kusoo aadaya xilli Somaliland ay qabaneysay munaasabado lagu xusayay 18-ka May, oo ah maalinta ay Somaliland u dabaaldegto ku dhawaaqistii ay kaga go’day Soomaaliya sanadkii 1991.
Inkasta oo Israel ay dirtay farriin hambalyo ah, haddana ilaa hadda ma jiraan warar ama warbixinno gaar ah oo diiradda saaraya xuska 35-guurada Somaliland oo kasoo baxay dowladda Israel ama warbaahinta Israel.


