Addis Ababa (Dawan) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa si rasmi ah u ansixiyay natiijooyinka 723 ka mid ah 1,139 deegaan doorasho oo lagu qabtay doorashadii guud ee toddobaad ee dalka, sida ay baahisay warbaahinta dowlad deegaanka Soomaalida ee SRTV.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Melatwork Haylu, ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay Arbacadii ku sheegtay in natiijooyinka deegaannadaas la hubiyay, isla markaana si rasmi ah loo ansixiyay.
Waxay sheegtay in xarunta dhexe ee guddiga la gaarsiiyay natiijooyinka 501 kursi oo Golaha Wakiillada Shacabka ah iyo 638 kursi oo baarlamaannada dowlad-deegaannada ah.