Jigjiga (Dawan) – Dowladda Itoobiya ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah u daahfurtay wejigii koowaad ee xarunta Dalxiiska Shabeeleey, oo ah mashruuc horumarineed oo ballaaran oo isku xira dhaqanka iyo dhaqaalaha, kana hirgalay Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud; Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed; Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Maxamed Cumar; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle; iyo masuuliyiin kale oo sare iyo marti sharaf.
Mashruuca, oo ku kacaya qiyaastii 8 bilyan oo birr Itoobiya ah (una dhiganta 155 milyan oo doollar), ayaa loo qaabeeyey in uu ka tarjumo hidaha iyo dhaqanka Soomaalida, gaar ahaan nolosha iyo hab-dhaqanka bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah ee deegaanka.
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in xaruntani aysan ahayn oo kaliya goob dalxiis, balse ay sidoo kale tahay xarun lagu keydinayo laguna dhiirrigelinayo hidaha iyo dhaqanka Soomaalida.







