Itoobiya (Dawan) – Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inay dhoofinta bunka ka heshay dakhli gaaraya 3 bilyan oo doollar sanad-miisaaniyadeedka 2025/2026, taasoo noqotay mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa ee taariikhda warshadaha bunka dalkaas.
Wasiirka Beeraha Itoobiya, Addisu Arega, ayaa sheegay in dalku uu si guul leh u gaaray bartilmaameedkii loo dejiyay sanadkan ee ahaa in dhoofinta bunka laga helo 3 bilyan oo doollar, isagoo ku tilmaamay guushan mid ka dhalatay dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen dhammaan dhinacyada ku lugta leh silsiladda wax-soo-saarka bunka.
Wasiirku wuxuu xusay in beeraleyda, dhoofiyeyaasha, iskaashatooyinka, maalgashadayaasha iyo hay’adaha dowladda ay door muhiim ah ka qaateen kor u qaadista wax-soo-saarka, tayeynta iyo dhoofinta bunka Itoobiya.
“Itoobiya waxay si guul leh u gaartay bartilmaameedkii ahaa inay 3 bilyan oo doollar ka hesho dhoofinta bunka sanad-miisaaniyadeedkan. Hambalyo dhammaan,” ayuu wasiirku ku yiri qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada.
Dakhligan cusub ayaa ka sarreeya kii sanad-miisaaniyadeedkii 2024/2025, markaas oo Itoobiya ay dhoofinta bunka ka heshay 2.65 bilyan oo doollar. Sidaas darteed, dakhliga sanadkan ayaa kordhay ku dhowaad 350 milyan oo doollar marka loo eego sanadkii hore.