Addis Ababa (Dawan) – Itoobiya ayaa sheegtay in waaxdeeda dalxiiska ay sameysay koboc muuqda intii lagu guda jiray sanad-miisaaniyadeedka 2025/2026, iyadoo dalka ay booqdeen in ka badan 1.4 milyan oo dalxiisayaal ajnabi ah, kuwaas oo dalka u soo xareeyay dakhli kor u dhaafaya $5.2 bilyan, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Abiy Axmed, oo wareysi siiyay The National Broadcast Corporation (NBC), ayaa sheegay in dalxiisku uu noqday mid ka mid ah tiirarka cusub ee kobaca dhaqaalaha Itoobiya. Waxa uu xusay in dowladdu ay ka gudubtay heerkii ay ku faani jirtay awoodda dalxiis ee dalka, una gudubtay maalgashi, horumarin iyo suuq-geyn lagu xoojinayo waaxda.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in tirada dalxiisayaasha ajnabiga ah ee sanadkan ay kor uga kacday in ka badan 100,000 qof marka loo barbar dhigo sanad-miisaaniyadeedkii hore, isla markaana ay ka badan tahay 300,000 qof marka loo eego sanad kasii horeeyay.
Sidoo kale, Itoobiya ayaa sanadkan martigelisay 204 shir oo caalami ah, kuwaas oo ay ka qeybgaleen ku dhowaad 166,000 oo qof oo ajnabi ah, taas oo, sida dowladda sheegtay, sii xoojisay doorka Addis Ababa ee ah xarun goboleed oo shirarka caalamiga ah, ganacsiga iyo diblomaasiyadda.
Dalxiiska gudaha ayaa isna muujiyay koboc, iyadoo in ka badan 50 milyan oo Itoobiyaan ah ay booqdeen goobo dalxiis oo ku yaalla dalka. Abiy Axmed ayaa sheegay in tani ay ka tarjumeyso kororka dalxiiska gudaha iyo xiisaha sii kordhaya ee goobaha taariikhiga ah, dhaqanka iyo dabiiciga.